Maxaa Sababa Kalsooni-darada?

Started 6 days ago by Amed in Advice, Sheeko & Jaceyl

Maxaa Sababa Kalsooni-darada? Suaasha dooda: Kalsooni-daradu waxay saamayn kartaa qofka noloshiisa shaqo, xiriirkiisa bulshada, iyo horumarkii...

Body

Maxaa Sababa Kalsooni-darada?

Suaasha dooda:

Kalsooni-daradu waxay saamayn kartaa qofka noloshiisa shaqo, xiriirkiisa bulshada, iyo horumarkiisa guud. Haddaba, maxaa sababa kalsooni-darada?

Ma waayo-aragnimo hore baa?

Ma barbaarinta qoyska?

Ma isbarbardhigga nafta iyo dadka kale?

Ma saameynta baraha bulshada?

Ka qayb qaado doodda oo nala wadaag raโ€™yigaaga, waayo-aragnimadaada, iyo talooyinka lagu dhisi karo kalsooni nafeed.

11 Replies

  • Replied 6 days ago

    Report

    Waad mahadsan tahay @Suldaan, bro. Waa dhowanahay. Forumkaan mowduucyadiisa waa ka helay runtii, thanks bro markale.

  • Replied 6 days ago

    Report

    Waa idin salaamay, gaar ahaan @Ayaan oo aan filayo inay dhowaan nagu soo biirtay,ย 

    Waxaan u maleynayaa in kalsooni-darada badanaa ay ka timaado marka qofku dareemo inuusan oggolaanin naftiisa sida uu yahay. Marka aad isku daydo inaad u ekaato dad kale, waxaad lumisaa asalkaaga.

    Waxaan hadda ku dadaalayaa inaan aqbalo naftayda sida ay tahay, dhib iyo dheef. Wax walba ma yaqaanno, mana aha inaan noqono kuwa ugu fiican si aan u dareemo kalsooni. Inaad is aqbasho โ€œadigaโ€ ayaa ah bilowga kalsooni dhab ah.

    ย 

    Mid kale ayaan idiin sheegayaa asxaabta. Ma og tihiin in Baraha bulshada ay yihiin halista ugu weyn ee maanta dhalinyaradu wajahaan. Waxa aad arkaysaa sawirro iyo muuqaallo qurux badan, laakiin mar walba waa been muuqaal ah.

    Waxaan bartay inaan xaddido waqtiga aan internet-ka ku qaato. Waxaan diiradda saaray naftayda, waxyaabaha aan jeclahay, iyo dadka igu farxa. Taasi waxay iga caawisay inaan dib u helo kalsoonida naftayda.

  • Replied 6 days ago

    Report

    Runtii, waxay igu qaadatay waqti inaan fahmo in khaladku yahay qayb ka mid ah kobaca. Hadda markaan qalad sameeyo, halkii aan naftayda ku canaanan lahaa, waxaan isku dayaa inaan fahmo sababta khaladkaas uu u dhacay iyo sida aan uga fogaan karo mar kale.

    Waxa kale oo i caawiyay inaan la hadlo dad fahamsan arrimaha maskaxda iyo kalsoonida. Marka aan ogaadey inaanan kaligay ahayn, waxay i siisay rajo iyo nafis. Waxaan jeclaan lahaa inaan dadka kalena ku dhiirrigeliyo inaysan isdhibin marka ay khalad sameeyaanโ€”wax walba waa la baran karaa haddii aad dulqaad leedahay.

    ย 

  • Replied 6 days ago

    Report

    Aniga kalsooni-daradu waxay i saameysay markii aan galay dugsiga sare. Waxaan dareemayay in dadka igu hareeraysan ay iga horreeyaan wax walbaโ€”waxbarasho, labis, hadal.

    Waxaan bilaabay inaan aamuso, cabsi aan la qabsan karo darteed.

    Waxay igu qaadatay in badan inaan fahmo in qof walba uu leeyahay xilli uu is dareemo hoos. Waxaa i caawiyay saaxiib dhow oo mar walba igu dhiirrigelin jiray. Qof mar walba kuu sheegaya inaad wax tahayโ€”waa daawo. Hadda waxaan is leeyahay, โ€œwaxaad tahay qof u qalma fursad kasta.โ€

  • Replied 6 days ago

    Report

    Aad ayaan ugu mahadcelinayaa qof walba oo fikirkiisa dhiibtay โ€“ gaar ahaan qofkii la wadaagay waayo-aragnimadiisa xanuunka leh ee la xiriirta kalsooni-darada.

    Waxa aan doonayaa inaan xoojiyo in kalsooni-darada aysan ahayn wax qof keliya ku dhacaya โ€“ waa xaalad guud oo dad badan la kulma. Waxaa laga yaabaa in sababtu aysan ahayn hal arrin oo keliya, balse ay ka timaaddo isku darka waayo-aragnimo xanuun leh, taageero laโ€™aan, iyo cadaadis bulsho oo aan la dareemin.

    Inta badan, barbaarinta carruurnimada waxay tahay asalka kalsooni-darada. Haddii cunug lagu koro canaan joogto ah iyo garasho laโ€™aan, wuxuu baranayaa inuu shaki galo naftiisa.

    Sidoo kale, baraha bulshada maanta waxay ka dhigeen dadka inay isbarbardhigaan nolol qurxoon oo muuqaal ah, iyaga oo hilmaamaya in qof walba uu leeyahay waqtiyo adag oo aanu muujin.

    ย 

  • Replied 6 days ago

    Report

    Runtii, waxay igu qaadatay waqti inaan fahmo in khaladku yahay qayb ka mid ah kobaca. Hadda markaan qalad sameeyo, halkii aan naftayda ku canaanan lahaa, waxaan isku dayaa inaan fahmo sababta khaladkaas uu u dhacay iyo sida aan uga fogaan karo mar kale.

    Waxa kale oo i caawiyay inaan la hadlo dad fahamsan arrimaha maskaxda iyo kalsoonida. Marka aan ogaadey inaanan kaligay ahayn, waxay i siisay rajo iyo nafis. Waxaan jeclaan lahaa inaan dadka kalena ku dhiirrigeliyo inaysan isdhibin marka ay khalad sameeyaanโ€”wax walba waa la baran karaa haddii aad dulqaad leedahay.

  • Replied 6 days ago

    Report

    Waw, war waa idin salaamay asxaabta doodda. Aniga waxaan aaminsanahay in kalsooni-darada ay qayb weyn ka ciyaaraan qoyska iyo saaxiibada.

    Haddii laguugu korin waayo kalmadaha wanaagsan iyo dhiirrigelinta, waa sahlan tahay inaad naftaada ka shaki gasho. Waxaan hadda baranayaa inaan naftayda ku kalsoonaado anigoo aan raadin oggolaansho dadka kale ah. Laakiin mowduucu aad buu u weyn yahay oo lama soo koobi karo, waa iga intaas aniga.

  • Replied 6 days ago

    Report

    Asc asxaabta, waa mowduuc muhiim ah runtii, aniga waxay ila tahay.

    Kalsooni-daradu waxay badanaa ka timaadaa marka aad isu barbar dhigto dadka kale, gaar ahaan baraha bulshada. Marka aad aragto qof walba oo guuleystay ama qurux badan, waxaad bilaabaysaa in aad shaki geliso naftaada. Waxaa muhiim ah in qof walba uu haysto waddadiisa iyo waqtigiisa.

.');