Baarlamaanka Soomaaliya

Started 4 days ago by Amed in Politics

Wakiilka Shacabka ma yahay? Baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo asteeyay inuu yahay matalaadda shacabka Soomaaliyeed.Laakiin maant...

Body

Wakiilka Shacabka ma yahay?

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo asteeyay inuu yahay matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
Laakiin maanta, suโ€™aashu waxay tahay:
โž” Baarlamaanku ma yahay wakiilka dhabta ah ee shacabka?
โž” Ma u shaqeeyaan danaha shacabka mise danahooda gaarka ah?
โž” Sidee lagu xoojin karaa doorkooda wakiilnimo?

Ka qayb qaado dooddaada!ย 

12 Replies

  • Replied 3 days ago

    Report

    Meeshan wax baarlamaanka la dhaho ma jiraan qaarkood waxayba u dhaqmaan sidii ciyaal suuqa. Aniga waaba ooyi markaan xusuusto sharaftii iyo dadnimadii xildhibaanadii hore ee dalka soo maray.

  • Replied 3 days ago

    Report

    Waa dood fiican

  • Replied 4 days ago

    Report

    @Khadiijo Ciiseย Haddii la sameeyo isbeddel iyo wacyigelin, Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu noqon karaa mid dhab ahaan shacabka matala.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Mararka qaar xildhibaanada waxay ku shaqeeyaan cadaadis dibadeed, halkii ay ka matali lahaayeen shacabka. Sidaas dad badan oo waxgarad ahaa qaba.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Marka kursi la doonayo, waxa ugu weyn ee la eegaa waa qabiilka, ma ahan kartida qofka. Ma dadkaas ayaa kheyr leh.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Meel ku qorta. Madaxweynayaasha ayaa xildhibaanada maamula, halkii ay xor noqon lahaayeen. Fadlan ku shubo iska dheh, sax!

  • Replied 4 days ago

    Report

    Doorashada baarlamaanka waxaa aad u saameeya nidaamka beelaha, taasoo dhaawacda matalaadda dhabta ah.ย 

    Waxaan u baahanahay doorashooyin toos ah oo dadweyne si shacabka codkooda u helaan matalaad dhab ah oo ay u doortaan xildhibaanka ay rabaan.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Xeerarka iyo dastuurka ayaa u baahan dib u habeyn si Baarlamaanka uu ugu shaqeeyo matalaadda shacabka. Midda aan la yaabay ayaa ah in Xildhibaano badan xitaa aysan aqoonin dadka ay wakiilka u yihiin. Waa amakaag iyo yaab walaahi.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Ma adinkaaba wax la socda. Show maa hurudaan, iga raali ahaada, Kursiga baarlamaanka wuxuu noqday ganacsi lagu gorgortamo, laguna iibsado, halkii uu ahaan lahaa xil dadweyne.

  • Replied 4 days ago

    Report

    Waxaa jira tiro yar oo xildhibaano ah oo runtii u shaqeeya shacabka si daacadnimo leh. Kuwaasna waa la caburiyaa oo loo hanjabaa, ka soo qaad xildhibaan Abiib oo Aadan Madoobe yiri ''Xasaanaddii waa lagaa qaaday''ย 

.');