Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuu...
Body
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Cabdisalaan Dhaay ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, halka Amb. Axmed Macallin Fiqi uu noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Isku shaandheyntan waxay muujinaysaa isbeddel siyaasadeed iyo dadaal lagu doonayo in lagu xoojiyo howlaha dowladda, iyadoo lagu casriyeynayo hogaanka wasaaradaha muhiimka ah.
Maxay kula tahay isku shaandhayn golaha wasiirada 2025-ka?
9 Replies
-
Sheekooy ku nacay! oo soomaalidu kama dheregto jab miyaa? timirtii horeba dab loo waa! Rag isku mid ah ayaa booska loo kala beddelayaa, micnaha shacabka ayaa la hurdisiinayaa sow maahan. Meeshan isku shaandheynta Ra'iisal wasaare uu sameynayo waa uun isla tii dhowaan uu sameeyay, wax farqi ah oo jiri doona ma arko anigu. Shimbarayahow heesa.
A visionary Somali businessman with a strong passion for innovation, honesty, and progress. He is dedicated to empowering the community through entrepreneurship, creativity, and meaningful platforms that serve and uplift people. His work reflects a deep commitment to growth and collaboration.
Replied 2 days ago
Waa calaamad muujinaysa in xukuumaddu hoos u dhacayso oo ay u baahan tahay badbaado degdeg ah.
Isku shaandheyntani waa mid siyaasadeed oo lagu qancinayo kooxo gaar ah, ee maaha mid shacabka dan ugu jirto.
Replied 2 days ago
Tani waa talaabo wanaagsan oo lagu dardargelinayo shaqada dowladda. Waxaan u rajeyneynaa horumar.