Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, Waa Magac U Yaal

Started 5 days ago by Khadiijo Ciise in Sports

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya – Warar, falanqeyn, iyo aragtiyo dhab ah oo kusaabsan hannaanka maamulka iyo xaaladda dhabta ah ee kubadda cagta Soom...

Body

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya โ€“ Warar, falanqeyn, iyo aragtiyo dhab ah oo kusaabsan hannaanka maamulka iyo xaaladda dhabta ah ee kubadda cagta Soomaaliya. Horta magac u yaal miyaa? Waa maxay guuldarrooyinka aan dhammaadka lahayn ee soo wajahda xulka qaranka Soomaaliya?

10 Replies

  • Replied 4 days ago

    Report

    Haddii ay burburto dowlad, waxaa burbura walx walba, sidaas darteed ciyaarihiina waa burbureen, waxay u baahan tahay waqti in la siiyo ayay ila tahay.

  • Replied 5 days ago

    Report

    kkk Magaca "Xiriirka" wuxuu qofka dareensiin karaa nidaam, qorshe iyo horumar, balse marka la fiiriyo waxa jira, waxaa muuqda in magac keliya uu jiro, oo aysan jirin shaqo muuqata oo ku aaddan horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed. Waa iska nasiib darro walaahi.ย 

  • Replied 5 days ago

    Report

    Waad ku mahadsan tihiin jawaabaha qiimaha leh ee aad ila wadaagteen. Balse ma og tihiin in Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee caanka ah ay yihiin kuwo ku koray meel ka baxsan Soomaaliya. Suโ€™aashu waxay tahay: maxay tahay doorka Xiriirka ee dhisidda jiil cusub oo xirfad leh ee gudaha dalka ka yimaada?

  • Replied 5 days ago

    Report

    Fiiriya, Xiriirka wuxuu xoogga saarayaa ciyaartoyda ka ciyaarta dibedda bes, halka dhalinyaradii gudaha dalka aysan helin fursado horumarineed. Maxay tahay sababta aan garoomo, tababaro iyo tartamo joogto ah looga hirgelin gudaha Soomaaliya?

  • Replied 5 days ago

    Report

    Waa salaaman tihiin, aniga xogogaal ayaan ahay. Xiriirka wuxuu helaa taageero dhaqaale oo ka timaadda FIFA iyo CAF, laakiin suโ€™aasha la isweydiinayo waxay tahay: lacagahaas maxaa lagu qabtay? Garoomadii waa burbursan yihiin, qalabkii wuu gabaabsiyey, ciyaartoydii na way rafaadsan yihiin. Waa yaab!

    ย 

  • Replied 5 days ago

    Report

    @Amed mid kalena aan idiin sheego, taas oo lagama maarmaan ah. Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya wuxuu u baahan yahay dhiig cusub โ€“ hoggaan dhalinyaro ah, karti leh, oo leh aragti fog. Waa waqtigii laga gudbi lahaa magaca iyo qabyaaladda ee umadda la tusi lahaa ficil dhab ah.

  • Replied 5 days ago

    Report

    Waa mahadsan tihiin, aniga aragtideyda waa:

    Dalal kale tartamada gudaha iyo dibadda waa joogto, balse Soomaaliya tartamadii waa yaryihiin ama goos-goos ayay u dhacaan. Maxaa hor taagan in la sameeyo jadwal sanadeed rasmi ah oo lagula jaanqaado caalamka? Ma fiicna xaaladda taagan ee ciyaaraha Soomaaliya.

  • Replied 5 days ago

    Report

    Fiiri Walaashey @Khadiijo Ciise Waxaa jira dareen ah inay jirto maamul xumo, isla markaana aysan jirin isla xisaabtan. Waa muhiim in la helo hufnaan iyo hoggaan leh aragti cad oo ku aaddan mustaqbalka ciyaaraha Soomaaliyeed. Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya waa ku daalnay.

  • Replied 5 days ago

    Report

    @Khadiijo Ciise waa mahadsan tahay walaashey.ย 

    Xiriirka wuxuu u muuqdaa mid aan dan ka lahayn horumarinta ciyaartoyda gudaha. Meelo badan oo dalka ah waxaa ka buuxa dhalinyaro karti leh, balse ma helaan garab ama fursad ay ku horumariyaan xirfadahooda.

  • Replied 5 days ago

    Report

    Magaca "Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya" wuu weyn yahay, laakiin suโ€™aashu waxay tahay: ma la jaanqaadayaa shaqada dhabta ah ee looga fadhiyo? Waxaa la dareemayaa in uu yahay magac u yaal kaliya, iyadoo waxqabadkii laga filayay aanu muuqan. Waqtigii la eegi lahaa hufnaan, isbeddel iyo in la dhiirrigeliyo ciyaartoyda iyo tartamada gudaha iyo dibadda. Kubaddu waxay u baahan tahay wax ka badan magaca โ€“ waxay u baahan tahay ficil.

.');