Khadar Macalin oo cabasho gudbiyey

Started 3 days ago by Ayaan in Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Khadar Macalin oo u gardhiganaya Mustafe Cagjar ayaan aad ula yaabay, Waxaa uu leeyahay waxaad ii...

Body

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Khadar Macalin oo u gardhiganaya Mustafe Cagjar ayaan aad ula yaabay, Waxaa uu leeyahay waxaad ii diidday inaad i siiso qandaraas dhismo. Soomaali meel walba ay joogto way u dhammaatay.

ย 

By loading the video, you accept third party privacy policy.

3 Replies

  • Replied 3 days ago

    Report

    Waxaa kale uu leeyahay madaxtooyadii dhammeyd hal reer ayaa isku koobay. Taasina waa yaab kale.

  • Replied 3 days ago

    Report

    Waa nin oday ah, in saxaafadda la horkeeno ma ahayn, waxay ahayd in arinka hoos loo eego. Balse meel walba oo ay Soomaali joogto, waxaa ka jira qabyaalad iyo jufo jufo. Waa wax aan daawo lahayn bal eeg ninkaan odayga ah ee Khadar Macalin wuxuu soo maray madaxweyne, waxay ahayd inuu ugu yaraan helo maamuus iyo sharaf. Hadda Duqii ayaa baraha bulshada la keenay oo cabanaya. Waa kaas xaalkeennu maanta. Waan ka xumahay.

  • Replied 3 days ago

    Report

    Ninkaan markii aan si fiican u dhuuxay, waaba xariif weyn oo ogol in qandaraasyada la kala qaato, laakiin xoogaa waxaa ku adeekayay Mustafe Cagjar.

.');